Posts

XOG: Go’aankii beelaha Hawiye oo xasarad ka abuuray Muqdisho



Iyadoo Odayaasha Gobolka Banaadir ay ku baaqen in Wakiilada shisheeye ee ku sugan Somalia, ay isaga baxaan magaalada Muqdisho 48 saac, ayaa waxaa haddan soo baxaayo warar sheegaya in hadalkaasi uu xasarad ka dhex abuuray Madaxweyne Xassan iyo Beesha Caalamka.

Wakiilada Beesha Caalamka kuwooda ka howlgala magaalada Muqdisho oo la gaarsiiyay fariinta ku aadan in muddo 48 saac ay isaga baxaan dalka ayaa waxa ay arrintaasi Su’aal ka weydiyeen Madaxweyne Xassan.

Kullan degdeg ah oo ay la qaaten Madaxweyne Xassan Sheekh ayey kusoo hadal qaaden baaqa Odayaasha ee ku aadan in Shisheeyaha ay dalka isaga baxaan. Xassan oo la weydiiyay waxa u sabab ah hadalkaasi ayaa waxaa la soo warinayaa inuu iska fogeeyay in arrinkaasi uu wax ka ogyahay, balse waxa uu sheegay in carada noocaasi u weyn ay ka dhalatay muranka ka taagan maqaamka Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in sanadkii ugu danbeeyayba Dowladiisu ka biyo diidaneyd in Gobolka Banaadir ay maqaam gaar ah siiso, taasi oo noqoneysa sababta ugu weyn oo dhalisay qeyla dhaanta intaa la eg.

Madaxweyne Xassan ayaa raali galin ka baxshay hadalka ah in Shisheeyaha ay muddo 48 saac isaga baxaan Somalia. Docda kale, Beesha Caalamka ayaa hadalka kasoo yeeray Odayaasha kadib kasoo dabacday go’aankii ay kaga soo horjeeday Maqaamka Gobolka, hayeeshee waxaa iminka masiirka Gobolka Banaadir hortaagan Xassan Sheekh.
Developed by Jago Desain