Posts

Akhriso qodobada laga soo saaray Shirkii madasha wada-tashiga ee Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay


Shirkii socday muddo toddobadka ah ayaa caawa la soo gaba-gabeeyay,kaaso u dhaxeeyay madaxda dowladda faderaalka iyo hoggaamiyayaasha maamul-gobolleedyada dalka.

Kulanka oo lugu magacaabo madashada wada-tashiga qaranka ayaa maalmihii dambe waxaa ka taagna khilaaf ku aadan hannaanka ay dalka doorashada uga dhacayso,waxaana ugu weynaa matalaada uu gobolka Banaadir ku yeelanayo aqalka sarre.

War-murtiyeed shirka ka soo baxay oo ka koobna 14 qodob ayaa lugu soo gaba-gabeeyay shirka.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya,Daa’ud Awey oo ka hadlayay qodabbada shirka ka soo baxay,waxuu sheegay in maqaamka caasimadda Muqdisho loo saaray guddi ka kooban heer Fadaraal iyo heer gobal, iyagoo lasiiyay in muddo 60-cisho ah ku soo go’aamiyaan maqaamka caasimadda dalka,qodobkaana waxuu ahaa midka uu muranka ugu xooggan ka tagna.

Qodobbada kale ee lugu heshiiyay,waxaa ka mid ah il 20 illaa 23 bishan an ku jirno ee June ay shir isagu yimaadan hoggaamiyayaasha madasha wada-tashiga,kaaso ka dhacaya magaalada Baydhabo oo saldhig u ah maamulka Koonfur-galbeed.

Waxaa kalo war-murtiyeedka lugu soo dhaweeyay go’aanka uu madaxweynaha Soomaaliya ku ansixiyay hannaanka ay dalka doorashada uga dhacayso.

Hoggaamiyayaasha qoraalkooda,waxaa kalo ay ku soo dhaweeyeen Qorshe siyaasadeedka amniga qaranka, kaas oo ay horay u ansixiyeen golaha wasiirrada xukuumadda faderaalka ah ee Soomaaliya,iyagoo sidoo kale isku raacay in aan wax muddo korarsi ah jiri doonin, doorashaduna ay qabsoomeyso xilligii loogu talagay.

Sidoo kale,waxa ay taageereen in haweenku ay helaan qoondadii ay Haweenku ku yeelan lahaayeen kuraasta Goleyaasha dowladda.

Hoggaamiyayaasha dalka,waxaa kalo ay tacsi u direen ehelada dadkii ku dhintay weerarkii hotel Ambassador ee maalin ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho.

Developed by Jago Desain