Posts

DEG DEG;-Ciidamo Mareykan ah oo lugta ku galay Buuraha Galgala ee Puntland






Ciidan la sheegay inay ka tirsanyihiin ciidamada maraykan ayaa caawa waxa ay gaareen deegaanka galgala oo ah saldhiga ugu weyn shabaabka ku sugan deeganada puntland.

Maalintii Afaraad waxaa buuraha Galgala ee gobolka Bari duqeyn xooggan ka waday diyaarado dagaal oo lagu wareersanaa dalka laga leeyahay iyo ulajeedkooda.

Diyaaradahan waxaa laga leeyahay dalka Maraykanka, waxay kasoo kaceen markab dagaal oo yaalla meel ku dhaw xeebta Boosaaso, iyadoo wararku ay sheegayaan in saakay halkaasi ay ka degeen ciidamo Maraykan ah.

Waxaa la baadigoobayaa rag ka tirsan Daacish oo Ajaaniib iyo Soomaali isugu jira kuwaa oo gambaad ka dhiganaya halkaasi

Illaa Lix Diyaaradood ayaa duqeyn isdhaaf ah waxay Saddexdii maalin lasoo dhaafay ka wadeyn halkaasi, welina ma cadda guusha iyo natiijada halkaasi ay ka gaareen

Saraakiil Puntland ah oo la hadashay Warbaahinta waxay sheegeen in ay ka war hayaan howlgallada socda, sidoo kalena maalmaha soo aadan laga yaabo in ciidan lugta ah la geliyo buurahaasi.

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain