DEG DEG+SAWIRO: DFS oo ku dhawaaqdey in Lasoo afjaray weerarkii NAASA-HABLOOD & Khasaaraha oo kordhay

DEG DEG+SAWIRO: DFS oo ku dhawaaqdey in Lasoo afjaray weerarkii NAASA-HABLOOD & Khasaaraha oo kordhay
Taliska ciidamadda sida gaarka u tababaran ee dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo afjareen weerar ay kooxda xagjirka ah ee Al- Shabaab ku qaadeen Hotel Naasa-Hablood 1 ee kuyaala caasumada Soomaaliya.

Dawladdu waxay sheegtay in dhimashada aysan wali ka hadlin Karin oo qiimeyn lagu wado, laakiin ay si toos ah ciidamadu u toogteen kii ugu dambeeyey dableydii gashay Hotelkaas oo awood u yeelan waayey in ay galaan qeybta saree e Hotelka.

Saraakiisha hay’adda NISA oo howlgalka Hoggaaminayay ayaa Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA, u xaqiijiyay in ciidamada ay si buuxda ula wareegeen ammaanka Hotelka, halkaas oo galinkii dambe ee maanta ay gudaha u galeen maleeshiyo hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan hase yeeshee warar laga helayo dad ku dhow dhow hotelka ayaa sheegaya in ilaalada hotelka ay u suurtogashay inay dableydii hubeysnayd ay ku celiyaan qeybta hore ee hotelka.

Wararka ayaa sheegaya in laga saaray hotelka xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada federalka Soomaaliya.

Tirada dhimashada ayaa lagu sheegay in ka badan 25 qof, oo ay ku jiraan Siyaasiin, xubno hadda xilal hayey iyo Sadex kamid ah Shaqaalaha Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho.

Isbitaalada gaarka loo leeyahay ee magaalada Muqdisho ayaa la gaarsiiyey dad qaba dhaawacyo kala gedisan, waxayna Isbitaaladu raadiyaan dhiigag dadkaas lagu badbaadiyo.



Naas2Naas3Naas4Naxdin1 Naxdin2 Naxdin3Naxdin4 Naxdin5 Naxdin6 Naxdin7 Naxdin8
Developed by Jago Desain