Guddiga waasaarda Deegaanka iyo Duurjoogta Puntland ee Degmada Baargaal oo kormeeray meelhii ay ku dhufatay Duufaantii Dabaysha wadatay

Guddiga waasaarda Deegaanka iyo Duurjoogta Puntland ee Degmada Baargaal oo kormeeray meelhii ay ku dhufatay Duufaantii Dabaysha wadatay
Hawl wadeenada wasaarada Deegaanka Iyo Duurjoogta Puntland ee Degmada Baargaal ayaa safar u kuur galid iyo xaqiiqo raadin ah waxay ku tageen meelhii ay ku dhufatay Duufaantii Dabaysha wadatay ee ku dhufatay qaybo ka mid ah degaanada hoostaga Degmada Baargaal.

Guddoomiyaha gudiga Axmed Salaad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay tageen degaano badan ayna arkeen waxyeelo wayn oo gaartay iyadoo ay soo bandhigeen sawiro dhir waawayn oo dabaylaha fujiyeen iyadoo ay jiraan meelo aan gaadiidka geli karin oo sidaas oo kale waxyeeladu saamaysay.

guddiga ayaa wasaarada degaanka iyo dawladaba ka codsaday in ay la arkaan dhibaatada gaartay degaanka.

roobabka dabaylaha watay ayaa waxyeelo gaarsiiyay meelo badan oo ay ka mid tahay magaalada Baargaal iyadoo guryo badani dumeeen qaarna saqafka ama jiingada dabaylaha ka tuureen iyadoo ilaa hada aanay jirin cid ka socota laamaha dawlada iyo hayadaha ku shaqada leh oo wax jawaab ah ka bixisay


SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com

 











Developed by Jago Desain