ii soo dhawoow | Cabdifataax Yare & Hodan | Hees Qoraal ah

ii soo dhawoow | Cabdifataax Yare & Hodan | Hees Qoraal ah
Dhankaad iga jirtaabaa
Waranku iiga soo dhacay
Dhaqdhaqaaqa xoogiyo
Dhiigaa i qulqulaayee
Ii soo dhawoow
Ii soo dhawooow
Aan kugu dhagee ii soo dhawoow

Qaybta 2aad

Adigaa igu dheeroo
Naftaa kuka dhacaysoo
Xididada dhammaaniyo
Wadnaha i dhufanaayee
Ii soo dhawoow
Ii soo dhawoow
Aan kugu dhagee ii soo dhawoow
Ii dhiib gacmaha ii dhiib gacmaha
Aan kugu dhagee ii dhiib gacmaha

Qaybta 3aad

Dhul biyuhu ka buuxaan
Dhirta ubaxa baalaha
Shimbiruhu ku dheelaay
Dhabtii lagugu mataaleey
Ii dhiib gacmahaa ii dhiib gacmaha
Aan kugu dhagee ii dhiib gacmaha

Qaybta 4aad

Waxa dheeftii iga jaray
Dhuunigiina iga xidhay
Dhibaatada jacaylkaa
Iga dhagay halbowlaha
Ii dhiib gacmaha
Ii soo dhawoow aan kugu dhagee ii soo dhawoow.
Developed by Jago Desain