Wasiirka Amniga Puntland oo faahfaahin ka bixiyay Kulan ku saabsan Amniga oo Boosaaso ka dhacay




Kulan ku saabsan amaanka ayaa maanta lagu qabtay gudaha magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari, waxaana kulankaas goob jog ahaa qeybaha kala duwn ee saraakiisha Amaanka gobolka Bari, Wasiirka Amniga Dowladda Puntland iyo gudiga Amaanka gobolka.

Ka dib markii uu soo dhamaaday Kulanka waxaa warbaahinta u faah faahiyay Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab, waxaana uu sheegay in kulanka looga hadlay xoojinta Amniga, ka hadalka waxyaabaha amaan xumida keena dhaqaq dhaqaqyada iyo waxyaabaha sharci darrada ah ee Bishan Ramadaan.

Wasiir Qarjab waxa uu intaas ku daray in ciidanku heegan ugu jiraan sidii la isaga ilaalin lahaa sharwada yaasha, ciidankuna ay heegan ugu jiraan sidii ay u adkeyn lahaayeen amniga shacabka Puntland xiliga bishan ramadaan.

Waxa uu tacsi ka diray geeridii dhowan ku timid gudoomiyihii ururka Haweenka gobolka mudug Dhudi Yuusuf oo ay kooxo hubeysani ku dileen magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug.

Dhinaca kale waxa uu ka gaabsaday Wasiirku howlgallo ay ciidamada Puntland ka wadeen qeybaha kala duwan ee gobolada Puntland kuwaas oo lagu beegsanayay kooxaha falalka Aamn darri ka sameeya magaalooyinka.

Gaba gabadii waxa uu ugu baaqay shacabka in ay ilashadaan amnigooda islamarkaana ciidankooda ku garab istaagaan ka hortaga waxyaabaha amniga wax udhimaya

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha waraka horumaka calbari
Developed by Jago Desain