Madaxweynaha Angola Oo Waraaqaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Danjiraha Somaliya U Fadhiya Dalka Koonfur Africa




Madaxweynaha Angola Jose Eduardo dos Santos ayaa si rasmi ah uga gudoomay dajiraha dalka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfurafrika Mudane Jamaal Maxamad Barow waraaqihii aqoonsiga.

Munaasibad balaaran oo ka dhacday aqalka madaxtooyada ee dalka angola ayaa danjire Jamaal,waxaa uu Madaxweynaha Angola u gudbiyay dhambaal salaan uu uga siday Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.Danjir Jamaal Maxamed Barroow ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Dalka Angola Jose Eduardo Dos Santos, isagoo warbixin ka siiyay hormarka Soomaaliya ay ka sameysay dhinacayada Ammaanka iyo Siyaasadda.

Mr José Eduardo dos Santos, ayaa dhankiisa Ammaanay isabadalka Siyaasadeed ee ka billaawday Soomaaliya, isagoo sheegay in xiriir walaaltinimo oo soo jireen ah ay lahaayeen Soomaaliya iyo Angola.

Jamaal Maxamed Barroow, ayaa noqonaya safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee dalka Angola, isagoo sidoo kale Sifiir ka ah illaa Shan Dal oo dhaca Koofurta Qaaradda Afrika.

Waa dalkii labaad oo Danjire Jamaal Barrow laga guddoomo waraaqihiisa aqoonsiga, sanadkii hore ayay aheyd markii Madaxweynaha Koofur Afrika Jacob Zuma uu warqadihiisa aqoonsiga kaguddoomay

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain