Maxaa ka socda Saaka Deegaanka Barookhle & magaalada Carmo?

Maxaa ka socda Saaka Deegaanka Barookhle & magaalada Carmo?
Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya degmada Carmo ee gobalka Barri saaka oo Jimce ah ayaa sheegaya in ay xaaladdu tahay mid degan, isla markaasna Odayaasha Dhaqanka Puntland, Isimada, Culumada iyo qeybaha bulshada oo tan iyo shalay soo gaarayey magaalada ay la kulmeen dawladda Puntland ayna ka codsadeen in ay jaanis u siiso sidii nabad looga dhalin lahaa deegaanka, loona baajin lahaa dhiigga Dhalinyaro Soomaaliyeed.

Mid kamid ah culumada caanka ah ee Puntland, kuna sugan magaalada Carmo ayaa u sheegaywarbaahinta in ay rajo wanaagsan ka qabaan in ay guuleystaan dadaaladooda, oo ay hadda guul wanaagsan gaareen.

Warar kale  oo ka soo abxaya deegaanka  waxay sheegayaan in labada dhinacba ay kala durkeen oo maleeshiyadda hubeysan ay ka baxeen dhulkii beeraha leh, halka ciidamada dawladda Puntland dib looga soo saaray goobihii ay shalay subax gaareen.

Dadaalo xoog badan ayaa socda, Odayaasha iyo Bulshaa Haldoorkooduna waxay ciyaarayaan doorka ah in ay nabadda iyo daganaanshaha ka shaqeeyaan, oo aysan dhicin dagaal dambe oo dhexmara dadka walaalaha ah Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Wasiirka Qorsheynta & xariirka caalamiga ah ee dawladda Puntland Shire Xaaji Faarax & maamulka gobalka Barri ayaa kusugan deegaanka, waxa ayna labaduba ka soo jeedaan degmada Carmo, iyagoo qaadanaya doorka hoggaamineed ee nabadda iyo daganaanshaha.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain