Qaar kamid ah xildhibaanda Baarlamaanka Puntland oo diyaarinaya Mooshin ka dhan ah madaxwaye Cabdiwali Gaas

Qaar kamid ah xildhibaanda Baarlamaanka Puntland oo diyaarinaaya Mooshin ka dhan ah madaxwaye Cabdiwali Gaas

Xog hoose oo ka soo baxaysa baarlamaanka dawlada Puntland ayaa tibaaxaysa in xildhibaano katirsan baarlamaanka Puntland ay diyaarinayaan mooshin ka dhan ah madaxwaynaha Dawlada puntland Prof c/wali maxamed cali gaas

xildhibaada wada mooshinka ka dhanka ah madaxwaynaha puntland ayaa gaaraya ilaa 12 xildhibaan ayagoo doonaya in ay madaxwaynaha ugu yeeraan kala fadhi lagula xisaabtamo markii uu dalka dib ugu soo noqdo.

Xildhibaanadan ayaa ku eedeeynaya xukuumadda madaxwayne gaas in ay ku fashilnatay howshii shacabka Puntland u idmadeen, ayagoo sheegay hadii uu la xisaabtanka diido in ay madaxwaynaha kalsoonida kala noqon doonaan

ololaha mooshinka ayaa ku soo aadaya xili madaxwaynuhu dalka ka maqanyahay oo ku mashquulsanyahay shirarka madaxda madasha wadatashigu ka yeelanaayan hanaanka doorashada soomaaliya ee sanadkan ka dhacaysa dalka
Developed by Jago Desain