Saxafiyiinta Faransiiska Oo wadooyinka Paris Ku Maray socod Ay Ugu Baroor Diiqayeen Wariyadii Lagu Dilay Muqdisho Ee Sagal Salaad

Saxafiyiinta Faransiiska Oo wadooyinka Paris Ku Maray socod Ay Ugu Baroor Diiqayeen Wariyadii Lagu Dilay Muqdisho Ee Sagal Salaad



Bahada Saxafiyiinta Dalka Faransiiska ayaa socod lug ahku maray shaaracyada Caasimadda dalkaas ee Paris, iyagoo u baroor diiqaya Wariyadii dhawaan lagu dilay Magaalada Muqdisho ee Sagal Salaad Cismaan, oo ka mid ahayd Saxafitiinta Ka hawl gala war-baahinta dawladda Soomaaliya.

Sawirka Marxuumad Sagal Salaad Cismaan, ayay hawl wadeenada qaybo kamid ah war baahinta Faransiisku siteen xiliga ay socodka ku marayeen shaaracyada.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxa inta badan ka dhaca dilalka loo gaysto Saxafiyiinta.
Developed by Jago Desain