(Sawirro) Wasaaradaha Haweenka iyo waxbarashada dowladda Puntland oo si wadajir ah u xusay maalinta carruurta Afrika




Wasaaradda waxbarashada, tacliintasare iyo barbaarinta ubadka ee dowladda Puntland oo kaashanaysa wasaaradda haweenka iyo horumarinta qoyska puntland ayaa maanta Garowe ku qabatay munaasabad lagu maamuusayay maalinta caalamiga ah ee carruurta Afrika, taasoo sanadwalba ku beegan 16 bisha June.

Xuskaan oo lagu qabtay xarunta jaamacadda bariga Afrika ee Garowe, ayaa waxaa kasoo qeyb galay madaxda labada wasaaraddood, wakiilo ka socday hay’addaha Unicef, Wolrd Vision, Care, carruur yaryar iyo marti sharaf kale, kuwaas oo madasha ka jeediyay khudbado ku saabsanaa muhiimada ilaalinta xuquuqda carruurta.

Wasiirka waxbarashada puntland Dr. Abshir Yuusuf Ciise oo ka hadlayay xuskaan ayaa sheegay Puntland inay usoo jeedo horumarinta carruurta, si mustaqbalka loo helo jiil wanaagsan oo waxbartay, wuxuuna intaas ku daray inay labada wasaaraddooda si dhow ula socdaan xaaladaha carruurta iyo ka warqabkooda guud.

Wasiirka haweenka Puntland Aniso Cabdiqaadir Xaaji Muumin ayaa dhinaceeda ugu baaqday waalidiinta Sooomaaliyeed inay carruurtooda dhiiri galiyaan islamarkaana aysan u ciqaabin qaladaadka yaryarka ah, waxayna intaas ku dartay inay dhawaan sameyn doonaan daraasad lagu sameynayo sababaha keena inay carruurtu dayacmaan

Maalinta carruurta Afrika ayaa xuskeedu wuxuu kasoo bilaabmay sanadkii 1991, si loo xasuusto xasuuqii weynaa ee sanadkii 1976 magaalada Suweto ee dalka koonfur Afrika loogu geystay carruur u mudaharaadayey inay helaan xaquuqdooda waxbarasho iyo inay wax ku bartaan luqadooda hooyo.

Daawo Sawiradda.







Developed by Jago Desain