Wafti ka socda Puntland oo Nairobi kula kulmay Bangiga Adduunka




Wafti Ka socda dawladda Puntland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha dawladda Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Cabdulle ayaa magaalada Nairobi kulan kula qaatay Bangiga adduunka Xafiiskiisa Nairobi.

Waftiga Waxaa ka mid ahaa Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Deeq Saleebaan Yuusuf, guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha rayidka ah Mustaf Shabac, kusimaha agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, agaasimaha waaxda tababarada ee Wasaaradda, guddoomiyaha Jaamacadda Puntland State University Maxamuud Sheekh Xaamud,guddoomiye kuxigeenka Jaamacadda PSU Burhaan Aadan Cumar iyo xubno ka tirsan guddiga xiriirinta Mashruuca Tayaynta iyo shaqo qorista Puntland ee Bangiga adduunku uu maal gelinayo ee Xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland.

Ujeedka kulanka ayaa salka ku hayey hannaanka shaqaalaysiinta,tababarrada iyo dardar gelinta mashruuca tayaynta shaqaalaha dawladda Puntland ee uu Bangiga adduunku maalgelinayo.

Sidoo kale waxa kulanka lagu lafo guray qaabka ugu wanaagsan ee waftigaani ku xulan karaan hay’adda ugu habboon eel ala mataanayn karoJaamacadda Puntland State University si loo dardar geliyo guud ahaan mashruucaan tayaynta iyo shaqo qorista ee Bangiga adduunku uu ka caawinayo dawladda Puntland.

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain