WAR DEG DEG AH : Guddoomiyihii ururka haweenka Puntland ee G/Mudug Oo Goor Dhow la dilay

Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa iney caawa xiligii afurka ku dileen woqooyiga magaalada Gaalkacyo gudoomiyihii ururka haweenka Puntland ee gobolka Mudug.

Dhudi Yuusuf Aadan oo ah marxuumada la dilay ayaa la toogtay daqiiqado ka hor xiligii afurka iyadoo ku sugneyd banaanka gurigeeda sida dad goob joogayaal ay sheegeen.

“Labo wiil oo bastoolado ku hubeysan ayaa rasaas laabta iyo madaxa kaga dhuftay marxuumada oo taagneyd gurigeeda agtiisa, isla goobta ayey ku naf baxday” ayuu yiri goob jooge deris la’ ah haweeneyda la dilay oo saxaafada la hadlay.

Raggii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta, waxaana soo gaaray daqiiqado ka dib ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo halkaas ka bilaabay baaritaano illaa caawa fiidkii socday kuwaasoo ay ku soo xirxireen dad la tuhunsan yahay.


Maamulka Iyo shaqaalaha Shabakada Baargaal.net waxay tacsi tiiraanyo leh u diraaayaan Dhamaan Shacabka Gobolka Mudug iyo Umada soomaaliyeed oo ay ka baxday waxayna si gaar ah ugu diraayaan  iyo  eheladii iyo qaraabadii ay ka baxday hhoyo dhudi yuusuf aadan ayagoo ilaahay uga baryaaya samir iyo iimaan inuu naga wada siiyo 
aamiin ,,, aamiin 


Shabakada Baargaal.net
Isha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com 
Developed by Jago Desain