Warakii Ugu Danbeeyay Ee Hotel Ambassador Iyo Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Soomaaliya Oo lasoo badbaadiyay


Wararkii ugu danbeeyay ee aanu ka helayno Hotel Ambassador Ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Wali ay Ciidamadda Alpha-group ku raad joogaan haraadigii Ururka Ashabaab kuwaas oo la sheegay in ay ku suganyihiin Qaybta sare ee dabakha labaad ee Hotelka.

Ciidamada Sida gaarka ah u tababaran ee Dawladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay Hotelka kasoo bad badaiyeen Xildhibaano ku go’doonsanaa gudaha Hotel Ambassador.

Dhanka kale Ciidamada NISA ayaa sheegay inay hotelka kasoo bad baadyeen kudhawaad 10 qof oo shacab ah kuwaas oo kusugnaa gudaha Hotelka Ambassador ee Magalaada Muqdisho.

Afhayeenka Ururka Alshabaab Abuu Muscab oo lahadlay Wakaalada Reuters ayaa sheegay in Ururkoodu ay kadanbeeyaan Weerarka lagu qaaday Hotel Ambassador,asagoo dhanka kalana sheegay in Wali dagaal yahanadooda ay hawl-gal kawadaan gudaha hotelka.

Qaraxa lala beegsaday Hotel Ambassador oo ahaa Qarax aad uxoogan ayaa saameen xoogan ku yeeshay hotelo iyo gawaari ka agdhawaa Hotelka,kuwaasoo khasaaro xoogan uu kasoo gaaray.

Shabakada Baargaal.net
sha wararka Horumarka Calbari 
Developed by Jago Desain