Warbixin: Baarlamaanka Puntland oo Dib u Eegis ku sameynaya Shaqdii ay soo qabatay Xukumadda C/Wali Gaas




Maalintii labaad, Barlamaanka Puntland ayaa u fariisanaya kalfadhigooda 37-aad, kaasoo maalintii shalay uu furay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Guddoomiye ku xigeenka barlamaanka Puntland Cabdixamiid Shiikh CabdisalaanCiise ayaa sheegay inay dib u eegis ku sameynayaan waxqabadkii uu soo bandhigay madaxweyne Gaas.

Cabdixamiid Shiikh Cabdisalaanayaa sheegay waxyaabaha ay dib u eegista ku sameyndoonaan barlamaanku inay kamid ah, yihiin, arrimaha amniga gaar ahaan sababtii wax uga qaban weyday dialka qorsheysnaa ee ka dhacay magaalooyinka Gaalkacyo, halkaas oo lagu dilay masuuliyiinta katirsan dowladda iyo shacab.Waxaa kale oo uu gudoomiye ku xigeenku sheegay inay dib ueegayan waxa ka suurto galay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo sidii ay xukuumadu uga jawaabtay abaarihii iyo duufaanadii Puntland ku dhuftay.

Arrimahanaan waxaa lagala xisaabtamidoonaa wasiirada xukuumada Puntland, kuwaas oo mid mid barlamaanka u hor imaandoona inta kalfadhigaan lagu jiro.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain