Warbixin : Ma dhabaa in Doorashada dalka Soomaaliya ee 2016-ka uu dib u dhac ku yimid




Waxaa cabsi laga qabaa in dib u dhac uu ku yimaado doorashada la filaayo inay ka dhacdo Somalia, ka gadaal markii ay DFS ka gaabisay hirgalinta dhammaan talaabooyinkii suuragalin lahaa in la qabto doorasho.

Dib u dhaca doorashada ayaa si wada jir ah u saameyn doonta doorashada aqallada baarlamaanka iyo tan hoggaanka dalka ee Somalia ee loogu talagalay bilaha August iyo September ee sannadkan.

Waxyaabaha shakiga dhalinaaya ayaa waxaa kamid ah sida wax ka beddelaadda dastuurka, guddiyada doorashada, soo xulista ergooyinka iyo muranka ka taagan maqaamka Muqdisho.

Dib u dhaca la saadaalinaayo ayaa waxaa sidoo kale kamid ah in Madaxtooyada Soomaalia oo aan u guda galin howlaha doorasho, waxaana wali hakad ku jira ololaha doorasho oo xiligaani socon jiray.

Madaxweynaha dalka ayaa isna ku mashquulsan safaro aan dhamaan xili magaalada Muqdisho laga hadal hayo in Xassan Sheekh uusan diyaar u aheyn in Somalia ay ka dhacdo doorasho.

Dhammaan talaabooyinkaani shakiga dhaliyay ayaa xaqiiqdooda soo ifbixi doona natiijada kasoo bixi doonta shirka Madaxda madasha qaranuga furmi doona toddobaadka dambe magaalada Baydhaba, si ay arrimaha uga hadlaan.

Developed by Jago Desain