Xog Badan : Yaa fududeeyey weerarkii Ambassador, Sideese loo fuliyey?

Xog Badan : Yaa fududeeyey weerarkii Ambassador, Sideese loo fuliyey?
Waxaa soo baxaaya warar ku saabsan cida ka qeybqaadatay fududeynta weerarkii khasaaraha badan geystay ee lagu qaaday Hoteel ambasador ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan oo ay fuliyeen rag ku xireen dowladda Ethiopia, kana tirsan Al-Shabaab, ayaa waxaa fududeyntiisa ka qeybqaatay Laba Askari oo ka tirsanaa Booliska DFS kuwaasi oo qaab qarsoodi ah Hubka qaarkii u galiyay gudaha Hoteelka.

Labadaani Askari oo mid kood ay ciidamada dowlada gacanta ku dhigeen ayaa qiray in iyaga oo laba ah ay Hubkaasi gudaha u galiyeen Hoteelka.

Askartaani ayaa maleeshiyada ka saaciday gudbinta Bastoolado, Rasaas iyo Tirro Bambooyin ah.

Maleeshiyada gudaha u gashay Hoteelka ayaa waxaa sidoo kale ay wateen Furo Copy ah oo laga sameeyay qolka Keydka Hubka ee Hoteelka, waxa ayna halkaasi kala sii baxeen Hub uu Hoteelka lahaa oo ay ku kabanayeen kuwa ay siteen.

Mid kamid ah dadka laga soo badbaadiyay Hoteelka ee degnaa dabaqa labaad ayaa isna sheegay in qadar yar un ka hor inta aanu qaraxa dhicin uu Dariishada xigta dhanka Laamiga ay uga muuqdeen Askar uu uga shakisanaa Al-shabaab kuwaasi oo markii danbe gudaha u galay Hoteelka.

Laba kamid ah Maleeshiyaadka ka dagaalameysay gudaha Hoteelka ayaa la sheegay inay kamid noqdeen shacabka gurmadka loo fidinaayay iyaga oo isku muuqaal ekeysiinaayay dadkii degnaa Hoteelka.

Maleeshiyaadka weerarka qaaday ayaa ku labisnaa dareeska Ciidamada Dowlada iyo dhar shacab oo ay iska dul wateen.

Sidoo kale, Hay’adaha amaanka ayaa ka shakisan Ilaalada Hoteelka, waxaana jira warar sheegaya in ilaa Seddex kamid ah ilaalada Hoteelka oo falkaasi ka badbaaday ay halkaasi ka kaxeysteen.


SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari 
Developed by Jago Desain