Posts

Guddoomiye Kuxigeenkii hore ee Degmada Gaalkacyo oo xabsiga la dhigay




Ciidamada Ammaanka Dawlada Puntland ayaa caawa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ku Xiray Guddoomiye Kuxigeenkii hore ee Degmada Gaalkacyo ee Puntland Yacquub Maxamed Cabdalla.

Yacquub Maxamed Cabdalla ayaa dhawaan ku baaqay inuu Iscasilo Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Guddoomiye Kuxigeenkii hore ee Degmada Gaalkacyo laga watay Goob uu ku sugnaa oo ku taalla Bartamaha Magaalada Garoowe,kadibna la dhigay Xabsiga Garoowe.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain