Magaalada Buuhoodle oo Maanta lagu dilay Laba Nin oo mid Itoobiyaan yahay

Magaalada Buuhoodle oo Maanta lagu dilay Laba Nin oo mid Itoobiyaan yahay

Waxaa maanta lagu dilay magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn laba nin mid Soomaali yahay kan kalena yahay Itoobiyaan.

Dadka deegaanka qaar kamid ah ayaa warbaahinta u sheegay in labada nin midka Soomaaliga ah uu dareewal u ahaa sida la sheegay ganacsade dhanka Itoobiya degan.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Buuhoodle ayaa sheegay in ninka Itoobiyaanka ah si weyn looga yaqaanay magaalada Buuhoodle balse weli dhimashadooda faahfaahin lagama bixin.

Dilka labada nin illaa hadda lama yaqaan cida ka danbeysay mana jirto cid loo qabtay falkaas lagu dilay labadan nin.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari 
email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain