Muuqaal Naxdin badan : Boosaaso Oo Lagu qabtay Gabdho yaryar oo la rabay….




Wararka ka imaanaaya magaalada boosaaso ee Xarunta ganacsiga Dawlad Goboleedka puntland ayaa sheegaya in halkaas lagu qabqabtay gabdho yar yar oo soomaali ah oo loo waday wadanka sacuudiga

Gabdhahaan ayaa Da`dodu aad u yartahay mida ugu wayn ayaa ahayd 12 sano jir halka kuwa kale ay ahaayeen ilaa 7sano jiro , waxaana waday rag mukhalasiin ah oo waalidiintoodii ugu sheekeeyay in ay shaqo fiican u hayaan .

Laamaha amaanka Dawlada puntland oo gacanta ku dhigay ayaa saxaafada u sheegay in gabdhahaan lagusoo khalday in gaari lagu gaynayo sacuudiga , balse ay ooyeen markii ay arkeen badda.

Waxay sidee kale sheegeen gabdhahaan inaysan waxbadan kala socon meesha ay sacuudigu ku taal iyo waliba waxa ay qaban doonaan .

SHABAKADA BAARGAAL.NET Isha wararka horumarka calbari

Halkan ka Daawo muuqaalka naxdinta leh

Developed by Jago Desain