Xoh Hoose: Maxaa Kajira In Dib Loodhigay Doorashada Soomaaliya iyo Xilliga Ay Dhacayso

Xoh Hoose: Maxaa Kajira In Dib Loodhigay Doorashada Soomaaliya iyo Xilliga Ay Dhacayso
Xog Hoose oo ay warbaahintu heshay ayaa muujinaya inuu Isbedel ku yimid qorshaha Jadwalka Doorashadda Somalia ee la filayey inay qabsoomaan bilaha August iyo September ee sannadkan.

Ilo-wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Doorashooyinka u dhici doonaan sidatan:
Bisha October ee soo socota waxaa la dooran doonaa Doorashada Xildhibaanadda cusub ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka Somalia.

Bisha November waxaa la dooran doonaa xubnaha Aqalka Sare ee Senedka ee Barlamaanka Cusub.

Bisha December 12-da waxaa la dooran doonaa Doorashadda Madaxweynaha Cusub ee Dowladda Federalka Somalia.

Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha Golaha Wada Tashiga Qaranka ayaa la filayaa inay dabayaaqadda Bishan July Shir ku yeelan doonaan magaalladda Muqdisho, 

waxaana la filaayaa inay si rasmi ah u oo ay ku ansixiyaan Jadwalka Cusub ee Doorashooyinka Madaxweynaha Somalia iyo Labada Gole ee Barlamaanka Somalia.
Developed by Jago Desain