Xulka Kubadda Cagta Puntland oo 4-0 kaga badiyay xulka Koonfur galbeed Soomaaliya fariin adagna u diray maamulada kale

Xulka Kubadda Cagta Puntland oo 4-0 kaga badiyay xulka Koonfur galbeed Soomaaliya fariin adagna u diray maamulada kale
Xulka Kubadda Cagta Puntland ayaa Galabta Fariin aan ka dhicin tii Xulka Gobolka Banaadir ku bixiyay Garoonka kubadda cagta Koonis ee Magaalada Muqdisho Caasimadda Dalka.

Waxa ay ku suul daareen Afar iyo waxba Xulka dhigooda ah ee Koonfur galbeed Soomaaliya, iyago sidoo kale Tusay in libaaxyadda Puntland ay awoodaan in ay intaas oo goolal ah ka badan ka dhalin karaan Garoonka ciyaaraha soo socda.

Guul iyo gobanimo ayay kala bexeen galabta garoonka kubadda cagta Konis, waxaana fariintan ay tahay mid si toos ah u aqrisan doona Xulka ciyaartan tu la mid ah goolal heerkaas la eg ku badiyay ee marti gelinaya koobkan Waa Xulka gobolka Banaadir.

Shacab farabadan oo Faraxsan ayaa ku sagootiyay sacbis gudaha Garoonka koonis kuwaas oo ahaa Taageerayaasha Puntland kana soo jeeday Puntland, waxaana ay ku farxeen heerka wanaagsan ee ay koobkan galabta ka gaareen Xulka Puntland.


SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain