Sawiro: Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu oo La kulmay Guurtida iyo waxgaradka Degmada Baargaal

Sawiro: Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu oo La kulmay Guurtida iyo waxgaradka Degmada Baargaal


Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu C/qaadir maxamed yuusuf Iidi oo muddo ku maqnaa safar dalka dibadiisa ah oo hada dalka dib ugu soo noqday ayaa maantay shirar kala duwan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada Ku dhaqan Magaalada Baargaal

Gudoomiayah ayaa marka hore wuxuu la shiray xubnaha joogtada ah ee golaha deegaanka degmada baargaal oo uu uga warbixyay safarkii uu ku maqnaa iyo waxa u soo qabsoomay asagoo sidoo kale u soo bandhigay qorshayaasha shaqo ee uu hada damacsanyahay inuu ka bilaabo gobolka

Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu C/qaadir maxamed yuusuf Iidi ayaa galinkii danbe ee maanta wuxuu la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada Ku dhaqan Degmada baargaal shirkaas oo looga hadlay arimo badan laguna waydiiyay gudoomiyaha su'aalo badan oo uu uga jawaabay bulshadii ka soo qayb gashay shirka

Bulshadii ka soo qayb gashay shirka galabta ayaa aad u soo dhaweeyay soo noqoshada gudoomiyaha gobolka ayagoo u muujiyay taageero ballaran shaqada uu gobolka ka wado , ballan qaadayna inay gacan ku siin doonaan wuxuu ayaga uga baahdo





SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada CAlbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain