Sawiro: Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland oo soo xirtay kalfadhigii 5-aad ee golaha deegaanka Degmada Baargaal

Sawiro: Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland oo soo xirtay kalfadhigii 5-aad ee golaha deegaanka Degmada Baargaal


Wasiirka wasaarada Haweenka iyo horumarinta qoyska dowladda Puntland Aniso C/Qaadir Xaaji Muumin ayaa soo xirtay kalfadhigii 5-aad ee golaha deegaanka Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu oo soo bilowday 20kii bishii july ee la soo dhaafay.

kalfadhigaasi oo socday muddo 11 bari ah ayaa looga dooday qodobo badan oo horyaalay golaha deegaanka oo uu kamid ahaa ,qorshaha lixda bilood ee sanadka ka dhiman , Ansixinta miisaaniyada iyo arrimaha dhanka bulshada oo ay dowladda hoose ee degmada Baargaal wado.

Wasiirka wasaarada Haweenka iyo horumarinta qoyska dowladda Puntland Aniso C/Qaadir Xaaji Muumin oo kalfadhiga soo xirtay ayaa khudbad dheer oo ku saabsan sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada kala dooday xildhibaanada ayadoo ka dhagaysatay cabashooyinkii iyo caqabadihii ay xubnaha goluhu soo gudbiyeen waxayna ballan qaaday inay gaarsiin doonto laamaha Dawlada ay arimahaasu khuseeyaan.

intaasi kadib waxay wasiiradu booqasho ku samaysay Xarumaha Haweenka wax lagu baro sida dugsiyada quraanka iyo guriga hooyooyinka ayadoo halkaas shir wayn ugu qabatay ururada haweenka iyo hooyooyinka oo ay ka dhagaysatay cabashooyinkooda waxayna u soo jeedisay inay doortaan guddiyo matala iyo guddoon dhalinyar oo aqoon leh

ugu danbayntii waxay wasiir anisa booqatay dhismaha dugsiga Hoose dhexe ee baargaal oo bulshada baargaal isku xilqaameen inay iyagu dayactir taan ayadoo wasiiradu aad u bogaadisay talaabadaas waxay ku wareejisay guddiga masuulka ka ah dayactirka lacag dhan 1000 dollar oo wasaarada haweeku kaga qayb qaadanayso Dayactirka iskuulka

socdaalka ay wasiirada haweenku ku marayso degmada Baargaal ayaa qayb ah socdaal dheer oo ay wasaaradu haweenka puntland ugu kuur galayso xaaladaha haweenka iyo caruurta ee ka jirta degaanada Gobolka Gardafuu ayadoo hada wasiiradu u sii gudubtay dhanka degmada bareeda

Developed by Jago Desain