Sheekada Todobaadka : Wasiirkii Xaasidka Ahaa iyo Ninkii Reer Baadiyaha ahaa

Sheekada Todobaadka : Wasiirkii Xaasidka Ahaa iyo Ninkii Reer Baadiyaha ahaa
Xasadku waa cudur qadiim ah Waana dembigii ugu horreeyey ee samaa-waadka iyo dhulka ka dhaca. 

Samaa-waadka waxa uu ka dhacay, kadib markii Ibleys uu xaasiday aabaheen nabi Aadam calayhi salaam . 

Dhulkana waxa uu Qaabiil ku xaasiday wallaalkii Haabiil.

Cudurkan oo sidaa ula kowsaday nolosha, wuu jiraa isaga iyo dadkiisuba. 

Xasadka ama xaasidnimadu waa qofka oo jeclaysta qof kale wax uu Ilaahay ugu deeqay in ay ka baaba’aan ama shay muhiimad u leh amase dedaal iyo diif uu ku gaaray oo lagu xasido.


Runtii waa nasiib-darro iyo nusqaan in qof lagu xaasido arrimo u gaar ah oo Eebbe ku manaystay ama uu dedaal ku gaaray, Mar kalena waa nusqaan, is-dhiibid iyo quus, taas oo wanaagsan in qofku aanu qof kale ku xaasidin, waxana fiican in uu dib ugu laabto oo uu hagaajiyo meelaha uu ka liito.

sheekada todobaadka waxaan ku soo qaadanaynaa sheeko dhexmartay nin wasiir ah oo xaasid ah iyo nin miskiin ah oo reer baadiye ah waqtigii amiirkii muslimiinta ee muctasim bilaah 

waxaa jiray in nin carab ah oo reer baadiye ah uu u soo galay amiirkii almuctasim bilaah uuna soo dhaweeyay amiirkii wuxuuna ka dhigtay wehel , wuxuuna ninkaasi u soo gali jiray amiirkii idin l'aan 

amiirku wuxuu lahaa wasiir xaasid ah , wuxuuna wasiirkaasi ka masayray ninkii reer baadiyaha ahaa wuxuuna is yiri hadaadan ninkaas iska leexin ama aadan dilin wuxuu kaa qaadanaayaa qalbiga amiirka oo booskaaga ayuu galaayaa 

wasiirkii wuxuu u dhawaaday ninkii reer baadiyaha ahaa oo is jeclaysiiyay , wuxuuna keenay gurigiisii , wuxuuna u kariyay cunto oo uu ugu badiyay basal iyo toon 

Goortii uu cunay ninkii reer baadiyaha ahaa cuntadii  , ayuu wasiirkii ku yiri : iska jir inaad u dhawaatid amiirka oo uu kaa ursado toonta maxaa yeelay wuxuu necebyahay urkeeda oo uu dhibsadaa 

markaasi kadib ayuu wasiirkii wuxuu u tagay amiirkii oo uu kaga hormaray ninkii reer baadiyaha ahaa wuxuuna ula baxay meel gaar ah wuxuuna ku yiri :

Amiirow ninka reer baadiyaha ah wuxuu dadka ku dhahaa : amiirka afkiisa quran ayaa ka soo baxa oo waa ku dhibanahay .

goortii uu ninkii reer baadiyaha ahaa u soo galay amiirkii ayuu wuxuu afkiisa saaray gacantiisa asagoo ka cabsanaya in uu amiirku ka ursado toonta oo uu dhibsado , laakiin goortii uu arkay amiirkii inuu gacanta saaraayo afka , ayuu is yiri :

alaylahe wuxuu sheegaayay wasiirku waa run , wuxuuna u qoray warqad uu ku leeyahay : hadii uu kuu yimaado ninka warqadaasi wata surka ka jar 

wuxuuna ugu dhiibay mid kamid ah taliyayaashiisa oo uu ku yiri u gey warqadaas oo jawaab iiga soo celi 

wasiirkii ayaa is yiri : ninkaasi warqadaas wuxuu ku helaayaa mansib iyo lacag badan 

wuuna u tagay wuxuuna ku yiri : nin yahow maxaad ka dhahaysaa ninkii kaa nasiya tacabkaas iyo safarkaas kuna siiya  laba kun oo diinaar

ninkii reer baadiyaha ahaa ayaa yiri : adigaa oday ah adigaana talada leh waxaad ku taliso waan yeelaayaa

Wasiirkii ayaa ku yiri : isii warqada , wuuna siiyay wasiirkuna wuxuu isaga siiyey laba kun oo diinaar ..

wuxuuna qoraalkii la aaday meeshuu u socday , markuu akhriyay taliyihii qoraalkii amiirka wuxuu amray in surka laga jaro wasiirka

muddo kadib ayuu amiirkii soo xasuustay arintii ninkii reer baadiyaha ahaa , wuxuu raadiyay wasiirkii waxaana loo sheegay in aan dhawr cisho la arag oo uu soo bixin ninkii reer baadiyaha ahaana magaalada degen yahay 

wuu la yaabay amiirkii arinta wuxuuna amray in loo keeno ninka reer baadiyaha ahaa waana loo keenay 

wuxuuna waydiiyay arinta wuxuuna ninkii reer baadiyaha ahaa uga waramay arintii dhexmartay asaga iyo wasiirkii oo dhamaysiran min bilow ilaa dhamaad

goortaas ayuu u soo jeensaday ameerkii oo waydiiyay ninkii : ma adigaa dadka ugu sheekeeyay in afkayga uu qurun ka soo baxo 

ninkii reer baadiyaha ahaa ayaa madaxa gacmaha saaray oo yiri xaasha lilaah ma anigaa sidaas kaa sheegi kara ,

amiirow igama suurtowdo inaan waxaan waxna ka ogayn aan kaa sheego laakin waxaa i khatalay oo i xasdaayay wasiirkii wuxuuna uga sheekeeyay siduu gurigiisa u geeyay oo cunta toontu kabadantahay u siiyay iyo wuxuu la kylmay 

markaas ayuu ninkii reer baadiyaha ahaa yiri :

قاتل الله الحسد ما أعدله , بدأ بصاحبه فقتله 

ilaahay ha la dagaalamo xasadka maxaa ka cadaalad bada  wuxuu ka bilaabay saaxiibkiis oo dilay 

amiirkii wuxuu ka dhigtay ninkii wasiir , wasiirkiina xasadkiisii ayuu ku tagay 

marka ilaahow ninkii xasad wada naga qabo oo xasadkiisa asagu ku dil oo xumaantiisa asaga ku celi oo sharkiisa muslimiita ka ilaali adigaa qafuur ah oo raxiim ah aamiiiin aamiiiiiiin

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari 
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain