Angela Merkel Iyo Xisbigeeda Oo Guul Darrooyin Kala Kulmay Doorashooyinka Dowladda Hoose Ee Magaalada Berlin

Angela Merkel Iyo Xisbigeeda Oo Guul Darrooyin Kala Kulmay Doorashooyinka Dowladda Hoose Ee Magaalada Berlin
Xisbiga CDU ee ay ka tirsan tahay hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa guul darrooyin kala kulmay doorashooyin dhowaan ka dhacay magaalooyin ka tirsan dalka Jarmalka.

Doorashooyinka Golaha deegaanka ee magaalada Berlin ayuu xisbiga CDU ka helay 17.7% kuraasta xildhibaanada, waxaana la sheegay inuu khasaariyey xisbiga CDU 5% kuraastii uu ku lahaa golaha deegaanka Berlin.

Dhanka kale, Xisbiga mucaaradka ee AFD ayaa doorashada golaha deegaanka magaalada Berlin ee caasimadda Jarmalka ka helay 11.7% taasoo sare u kac baaxad leh noqotay.

Xisbiga mucaaradka ee AFD ayaa ku caan baxay naceybka bulshadaha Islaamka iyo guud ahaan Ajaanibta, wuxuuna nacaybkaasi uga faa’ideystay ololaha doorashada oo ay dadka Jarmalka ku dhiiriyeen naceybka dadka Carabta ee waayahan dambe ku qulqulaayey Jarmalka.

Haweeneyda hogaamiso dalka Jarmal Angela Merkel ayaa si wanaagsan u soo dhaweysay qaxooti u badan Suuriyaan kuwaasoo gaarayey hal Milyan, waxaa guuldarrooyinka xisbiga CDU loo aaneynayaa soo dhaweynta qaxootigan faraha badan.

BAARGAAL.NET
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain