BAARGAALTECH: Sidee baad uga hortagi kartaa in xogtaada Whatsapp - Ka ay u gudubto Facebook -ga?

BAARGAALTECH: Sidee baad uga hortagi kartaa in xogtaada Whatsapp - Ka ay u gudubto Facebook -ga?
Markii shirkadda facebook -ga ay qiimaha waalidaha ah ku iibsatay shirkada kale ee fariimaha degdega ah laysugu diro ee whatsapp sanadkii 2014, qof walba waa yaabay, oo wuxuu is waydiinayay qaabka ay shirkadu ugu faaiidaysan doonaan adeegaas ilaa ay maanta jawaabtu u timid 

shirkada Facebook ayaa ku dhawaaqday in ay isticmaali doonaan xogta dadka isticmaala barnaamajka whatsapp ka si ay ugu soo gudbiyaayn xayaysiisyo beegsana iyaga. 

xogtaas ay isticmaalayso Facebook ayaa ah Macluumaadka shakhsiyeed ee qofka iyo sidoo kale waraaqaha iyo wadahadalada ay is dhaafsadeen dadka kale
Laakiin ka qaybgalka arintan xogta shaqsiga ah ee  facebooga ma aha mid khasab ah marka sidee baad uga hortagi kartaa in xogtaada Whatsapp - Ka ay u gudubto Facebook -ga?

Dabcan inaad isaga baxdo heshiiskaas waa mid fudud oo waxaa kaliya lagaaga baahan yahay inaad saxa ka qaado la wadaagida xogtaada ee facebuuga laakiin hadii  aad ogolaato in aad ka  qayb gashid , facebuuga wuxuu samayn doonaa baaritaan shakhsiyadaada iyo wadahadalada idin dhex mara adiga iyo asxaabtaada iyo qaraabadaada  sidii ay kuugu doortaan xayeysiis la doonayo in la waafajiyo baahidaada si ay kor ugu qaadaan  faa'iidada uga soo xaroota xayasiiska 



Si aad u joojisid ka-qaybgalka macluumaadkaaga  ee mobilada iyo qalabka ku shaqeeya  Android- ka ,
tag Settings menu, ka dibna Account , markaas ka qaad  meesha dooran "Share Account Info" oo ka  muuqata meesha ugu hooseysa.

Waxaa xusid mudan in shirkada Facebook faaiidadada ugu badan ay ka hesho xayaysiinta ayadoo ku  dadaalaysaa in u wareegaan  xayeysiis farsamo beegsanaysa  baahida qofka ee ku dhisan xogta laga hayo oo ay damacsanyihiin inay kor ugu qaadaan faaidada xaysasiiska uga soo xaroota 

Facebook-ga ayaa ku dhawaaqay bishii July ee la soo dhaafay faaidadii ay ka heleen xaysiinta kaliya oo dhan  $ 6.2 billion  muddo saddex bilood kaliya 

BAARGAALTECH
wararka iyo warbixinada Technologyyada kala soco
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari 
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain