DHAGAYSO : Wasiir kuxigeenkii hore Arimaha gudaha & Fedraalka Soomaaliya oo Nasiib Daro Ku Tilmaamay Dib u Dhaca Doorashada Soomaliya

DHAGAYSO : Wasiir kuxigeenkii hore Arimaha gudaha & Fedraalka Soomaaliya oo Nasiib Daro Ku Tilmaamay Dib u Dhaca Doorashada Soomaliya
Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda arimaha gudaha iyo Fedraalka Soomaaliya ahaana wasiirkii warfaafinta iyo isgaarsiinta iyo hidaha iyo dhaqanka Puntland xiligii dowladii Cade Muuse hadana ah musharax xildhibaanada cusub ee barlamaanka fedraalka soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Bangax oo warbaahinta la hadaley ayaa nasiib Daro Ku Tilmaamay Dib u Dhaca Doorashada Soomaaliya oo Lagu Waday Maalinti Shalay ahayd oo Bishu 25  in La Soo Dhamaeystiro Xubnaha Aqalka Sare ee Dalka.

Wasir Bankax ayaa Sheegay inay Arintaas ay Sababsatay Musharaxiinta Oo iyagu Doonaya Kuraasta Aqalka Sare Taasna ay Caqabad Ku Keentay Soo Xuuslisti Xubnaha .


dhinaca kale wasiir Bangax ayaa sheegay in loo baahanyahay in la helo Xildhibaano badbaadiya mustaqbalka Ummada Soomaaliyeed waxaana uu ugu baaqay Odayaasha Dhaqanka inay soo xulaan Xildhibaano karti iyo aqoon u leh inay dalka ka saaraan Marxalada uu ku jiro.



Halkan Hoose Ka Dhageyso

Developed by Jago Desain