FIIRSO Sawirada: Haweeney Dunid ka Yaabisay oo Gar buuxa leh

FIIRSO Sawirada: Haweeney Dunid ka Yaabisay oo Gar buuxa leh..
Haweeney Ingiriis ah ayaa buugga layaabka caalamka lagu qoro ku gashay inay tahay qof dumar ah ee ugu da’da yar ee leh Gar buuxa.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Harnaam Kaur waa 24 sano jir garkeedu yahay mid buuxa oo dhererkiisu gaarayo 6 Inch, waxayna ku nooshahay degmada Slough, gobolka Berkshire, Galbeedka Ingiriiska.

Ugu danbeyn waxay noqotay haweeneyda ugu da’a yar dunida ee leh Gar dhameystiran, sida lagu qoray Buugga Guinness World Records oo lagu diiwaan geliyo la-yaabka dunida.

Waxay sheegtay marlii ay rikoorkaasi heshay kadib inay ku faraxsan tahay rikoorka ay dhigtay, waxayna sheegtay in Garkeeda uu calaamad u yahay sanado badan oo halgan dheer ay u gashay inay la qabsato xaalada naadirka ah ee muuqaalkeeda.

Gabadhan oo xaalado ka yimid hoormoonada ragga oo ku badan jirkeed ay dhaliyeen in muuqaalkeedu isbedelo ayna yeelato Gar weyn ayaa ka mid noqotay march 2016 shaqaalaha Tareenada magaalada London.

Waxaa la yaab leh inay haweeneydan Garkeeda deysatay oo aysan iska xiirin, waxayna leedahay muuqaal la yaab leh.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada CAlbari
Bargaal@gmail.com



Developed by Jago Desain