Kenya Oo Sheegtay ineysan Maxkamada Hague Xaq U laheyn Qaadiska kiiska Badda

Kenya Oo Sheegtay ineysan Maxkamada Hague Xaq U laheyn Qaadiska kiiska Badda
Kenya ayaa maxkamadda Caddaaladda Dunida ka hor sheegtay in maxkamdaasi oo fadhigeedu yahay magaalada Hague aysan daw u lahayn qaadista dacawadda la xiririta soohdinta badda ee kala dhaxeyso Soomaaliya.

Garsoorayaasha maxkamadda ayaa maanta dhageysanayay sababta Kenya ay u diidan tahay in dacawddan ay maxkamadda dhageysato.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya, Githu Muigai ayaa maxkamadda u sheegay inay jiraan laba siyaabood oo aan dawcadda ahayn oo lagu xalin karo murankan sida in la raaco heshiiskii is afgaradka ee Soomaaliya iyo Kenya ay kala saxiixdeen sanaddii 2009-kii amaba in loo maro heshiiska caalamiga ah ee xadaynta badaha ee Qaramada Midoobay.

Dhagaysiga ayaa khuseeya oo kaliya diidmada ka timid dhinaca Kenya oo ku doodeysa in maxkamaddan aysan awood u lahayn in ay xaliso murankan.

Soomaaliya ayaa berrito jawaabi celin ka sameyn doonto doodaha ay soo gudbisay Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dacwaddan geysay maxkmaddan oo ah waax garsoor o ka tirsan Qaramada Midoobay sanaddii 2014-kii.

Labada dalba waxay sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay maxkamadda inay xadeyso xaduuda badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Balse dawladda Kenya ayaa su’aal galisay awoodda ay maxkamadda u leedahay in ay qaado dacwaddan oo ay sheegtay inay ka baxsantahay xeer-xeyndaabkeeda.

Maxkamadda waxay sheegtay in isbuucan ay dhageysan doonto dooda Kenya ay ku diidantahay in maxkmadda ay gasho dacwadda ay Soomaaliya soo gudbisay iyadoo dawladda Soomaaliyana fursad loo siin doono inay jawaab-celin ka sameyso doodda Kenya.

Waxaa jiri doona labo wareeg oo dhageysiga dacwaddan ah, waxaana la soo gabagabeyn doonaa Jimcaha soo socdo.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Daahir, ayaa BBC-da u sheegay in Soomaaliya ay ka go’antahay in doodda muranka soohdinta lagu soo afjaro maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda.

Maxkamadda ayaa marka ay dhageysato doodan labada dhinac waxay go’aan ka soo saari doontaa dalabka Kenya ee ah in maxkmaddu aysan qaadi karin doodan iyo in kale.

Dr. Axmed ayaa sheegay in garsoorayaasha maxkamadda ay go’aan ku gaari doonaan muddo seddax bilood gudahood ah.

Haddii garsoorayaasha maxkamadda ay u arkaan in dacwaddan ay tahay mid maxkamadda xeer ahaan u taalla waxay ku amri doonaan dawladda Kenya inay ka soo jawaabto dacwadda laga soo gudbiyay oo sidaasi ay ku billaabato dhageysiga dacwadda ay Soomaaliya soo gudbisay.

Go’aannada ay gaarto maxkamaddan racfaan lagama qaadan karo, waxayna dhinacyada ku khasbanyihiin inay fuliyaan.

Waxaa la rumeysan yahay in badda ay ku muransan yihiin Kenya iyo Soomaaliya uu hoos ceegaago keyd shidaal.

Dowladda Kenya ayaa dacwadda ka hor heshiis kula gashay shirkado caalami ah inay aag-badeedka lagu muransnyahay ay shidaal ka baaraan. Balse markii ay Soomaaliya dacwadda gudbisay laba sano ka hor qaar ka mid ah shirkadaasi ayaa billaabay in ay hakiyaan hawlihii ay halkaa ka wadeen halka kuwa kalana ay wali sii wadaan.

Wasaaradda Arrimaha Debadda ee Kenya waxay hadda ka hor ka digtay in haddii ay Soomaaliya ku guuleysato dacwadda ay suurta gal tahay in Kenya ay ku dhacdo bad la’aan.

BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Developed by Jago Desain