Maxay tahay Sababta Dowlada Soomaaliya u joojisey Qaadka? (WARBIXIN)

Maxay tahay Sababta Dowlada Soomaaliya u joojisey Qaadka? (WARBIXIN)

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa joojisay dhamaan duulimaadyada qaadka ee tagi jiray Soomaaliya laga billaabo barito oo Talaado ah oo bisha September ay tahay 6.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa xaqiijiyey jiritaanka Warkani.

Hadal uu Wasiirka siiyay Idaacada BBC-da ayuu ku sheegay in ”duruufo jira awgood” ay si ku meel gaar ah u joojiyeen duulimaadyada qaadka ka yimaada Kenya, isagoo ka gaabsaday in uu carabka ku dhufto sababta arintaasi keentay balse waxa uu tilmaamay in ay dib ka soo sheegi doonaan.

Soomaaliya waa suuqa ugu weyn ee loo dhoofiyo Qaadka Kenya iyadoo ugu yaraan 16 duulimaad oo sida Qaad ay maalin kasta tagaan Soomaaliya.

Talaabadan waxay dharbaaxo ku noqon doontaa ganacsiga Qaadka Kenya oo ka soo kabanayay saameyntii go’aankii ay dowladda Britain uga mamnuucday in dalkeeda loo dhoofiyo, Maadaama ay qaadka u aqoonsatey in uu yahay muqaadaraad.

Ma aha markii ugu horeysay oo Diyaaradaha Qaadka keena laga joojiyo Soomaaliya, waxaana xilligaasi Qaadka lagu soo gelin jirey siyaabooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin dhinaca Dhulka.
Developed by Jago Desain