SAWIRO : Gaari Nooca Kaluunka lagu kaydiyo oo loogu deeqay Degaanka tooxin ee Gobolka Gardafuu

SAWIRO : Gaari Nooca Kaluunka lagu kaydiyo oo loogu deeqay Degaanka tooxin ee Gobolka Gardafuu
Maantay oo taariikhdu tahay 8 September 2016 ayaa Masuuliyiin ka socdey hay'ada Cunada & Beeraha Adduunka ee FOA waxay ku wareejiyeen masuuliyiinta Wasaarada Kallumaysiga iyo khayraadka badda Puntland gaari nooca qaboojiyaha ah ee kaluunka lagu kaydiyo oo ay leedahay warshada barafka iyo qaboojinta iyo kaydinta kaluunka ee Tooxin ee Magaalada Tooxin oo katirsan Degmada Bareeda ee gobolka Gardafuu 

Wasiirku Xigeenka wasaarada Kallumaysiga dawlada Puntland Maxmaud Axmed Cali Gabax oo kala wareegay gaariga masuuliyiinta Hay'ada FAO ayaa sheegay in Gaarigaas loogu talagay horumarinta iyo kor uqaadida wax soosaarka khayraadka badda iyo sidii loo gaarsiin lahaa magaaloyin iyo deegaano bulsho badan ku dhaqan yihiin oo uusan gaarin wax soosaarka badda.

Hay'ada FAO oo kaashanaysa wasaarada Kaluumaysiga iyo khayraadka Badda Puntland ayaa horay uga hirgalisay deegaanka Tooxin warshad qaboojin oo loogu talagay kaydinta  iyo qaboojinta waxsoo saarka Badda










Developed by Jago Desain