WAR DEG DEG AH: Dagaal diyaarado ka qeybgaleen oo ka dhacay gobalka SH/Hoose

WAR DEG DEG AH: Dagaal diyaarado ka qeybgaleen oo ka dhacay gobalka SH/Hoose
Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi Xalay dagaal xoogan uu ku dhexmaray Ciidan la sheegay inay Cadaan ahaayeen iyo Al Shabaab.

Deegaanka Tooratooroow oo Al Shabaab ku xoogan yihiin ayaa Diyaarado dagaal ay gantaalo la dhaceen kadibna ciidan Lugta ah ayaa diyaaradaha kasoo daatay oo gudaha deegaanka galay.

Wax yar kadib markii ciidanka ay gudaha ugaleen Tooratooroow waxa dagaal kala hor yimid Ururka Al Shabaab waxaana la is weydaarsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Faah faahino baan lama hayo oo ku aadan Khasaaraha kala gaaray Al Shabaab iyo Ciidanka Ajaanibta ahaa Ee Weerarka qaaday Xilliga oo Habeen ahaa Awgiis.

Dadka kusugan Tooratooroow waxay sheegeen inay maqlayeen Jugta Hubka Culus oo dagaalka la isku weydaarsanayey waxaana xaaladu ay saaka tahay mid deggan.

Saraakiisha iyo Maamulka Dawlada Ee Gobolka Sh/Hoose ayaa saaka mar lala xiriiray si wixii xalay ka dhacay Tooratooroow looga weydiiyo ayey ka gaabsadeen maadama xog badan aysan weli helin.


BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain