War Deg Deg Ah Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Bada Puntland Oo Lagu Dilay Magalada

War Deg Deg Ah Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Bada Puntland Oo Lagu Dilay Magalada



waxaa goor dhaw lagu dilay magalada Garawe ee xarunta dawlad goboleedka Puntland Sarkaal ka tirsan Ciidamada Bada Puntland.

Wararka ka imaanaya Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa sheegaya in Sarkaal ka tirsan Ciidamada Badda Puntland lagu Toogtay Bartamaha Magaalada.

Dilka ayaa la sheegay in ay Geysteen Ciidamo ka tirsan Puntland

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Askarta Dilka geysatay ay Sarkaalka u dileen si aan ula kac aheyn markii rasaas ay Fureen ay Haleeshay Sarkaalka.

Askartii Dilka geysatay ayaa la sheegay in la Xiray,waxaana socda Baaritaan lagu baarayo sarkaalka ka tirsanaa Ciidamada Badda Puntland ee maanta Garowe lagu dilay.

magaalada garowe ayaala ciiraysa ciidamo badan oo sugaya amniga iyo siyaasiyiin iyo ergoiyin k qaybgalaya ololaha doorasho ee lagu soo xulaayo xildhibaanada labada aqal ee fedraalka soomaaliya


SHABAKADA BARGAAL.NET
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain