Wardegdeg ah: Madaxweyne Gaas oo ku dhawaaqaya liiska aqalka sare

Wardegdeg ah: Madaxweyne Gaas oo ku dhawaaqaya liiska aqalka sare



Wararka naga soo gaaraya Aqalka Madaxtooyada ee dawladda Puntland ayaa daaha ka rogaya in latashiyadii ugu dambeeyey ay Madaxda dawladda Puntland ka leeyihiin arrimaha la xariira kudhawaaqida magacyadda xubnaha Puntland uga mid noqonaya Aqalka Sare ee dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas ayaa saacadihii ugu dambeeyey la kulansanaa shakhsiyaad badan oo doonaya in ay ka mid noqdaan Aqalka Sare ee dawladda Soomaaliya, waxayna soo gudbiyeen khibradaha ay u leeyihiin arrimaha Siyaasada.

Madaxweynuhu wuxuu horey u sheegay in ay xuli doonaan dad matala masiirka Puntland, kuwaas oo mar kasta matalaad shacab ah oodhab ah wata, taas oo hadda lafilayoin ay ka hirgasho deegaanada Puntland.

Saraakiil ku dhaw dhaw Madaxtooyada ayaa xaqiijinaya in 72saacadooda gudahood ay suuragal tahay in la shaaciyo magacyada xubnaha aqalka sare u matali doona Puntland ayagoo intaasi ku daray in ay puntland u qaybsanayso qaab gobol oo ku salaysan 9 ka gobol ee ay puntland ka koobantahay

Guddiga doorashada heer Puntland ayaa labo maalin kahor ugu baaqay madaxweyne Gaas inuu dadajiyo magacaabida xubnaha aqalka sare, si looga hortago in hal jufo isku hesho xubinta aqalka hoose iyo xubinta aqalka sare, taasoo keeni karta khilaaf hor leh.

Developed by Jago Desain