wasaaradda haweenka iyo horumarinta Qoyska puntland oo lix gabdhood waxbarasho ugu dirtay dalka india

wasaaradda haweenka iyo horumarinta Qoyska puntland oo lix gabdhood waxbarasho ugu dirtay dalka india
Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland  Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa maanta xafiiskeeda ugu samaysay kulan sagootin ah lix gabdhood oo ay Wasaaradda haweenku  waxbarasho jaamacadeed iyo mid aqoon kororsi ugu dirtay wadanka india .

Kulankan sagootinta ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Agaasimo waaxeedyada wasaaradda ,gudoomiyaha haweenka Puntland, lixda gabdhood ee waxbarashada loogu dirayo dalka india, iyo Wasiirka Wasaaradda haweenka iyo horumarinta qoyska Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin.

Lixdan gabdhood ayaa saddex ka mid ah oo laga keenay deegaanada ka fog laamiga dheer waxa ay  muddo lix bilood ah wax kusoo baran doonaan machad la yiraahdo Parefood College oo ku yaala dalka india.


Waxaana la bari doonaa ilayska cad cadeeda ku shaqeeya ee Sollarka, Iyadoona marka ay soo dhamaystaan waxbarashadooda lasoo siin doono qalabka Sollarka.

Sidoo kale Wasaaradda Haweenka Puntland ayaa deeq waxbarasho Jamaacadeed oo master ah ugu dirtay dalka Hindiya saddex gabdhood waxaana kala shaqeysay wasaaradda deeqdan jaamacadda oo soconaysa muddo labo sano ah hay,adda UNWOMEN ee Soomaaliya.

Wasiir Aniso Cabdulqaadir Xaai Muumin ayaa uga mahadcelisay dhinacyadii wasaaradeeda kala soo shaqeeyey deeqda waxbarasho ee dalka india ay ugu dirtay lix gabdhood , Waxayna si gaar ah Wasiirku ugu mahadcelisay Masuuliyiinta Safaaradda Soomaalida ee dalka India ,Dowlada Wadanka india iyo Hay,adda UNWOMEN.

Waa markii ugu horeysay oo deeq waxbarasho oo heerkan gaarsiisan Wasaaradda haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland u  dirto gabdhaha Deegaanada Puntland





BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada CAlbari 
Developed by Jago Desain