Xog :Heshiis Dhexmaray Maamulka madaxwayne C/wali Gaas iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Gallan




Ra’isul wasaaraha dawlada fedraalka Soomaliya Cumar C/rashiid Cali sharmarke oo mudooyinkaan ku sugnaa deegaanada Puntland ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu ku guulaystay inuu heshiis hordhac ah dhex dhigo Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland C/wali maxamed cali Gaas iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Galan.

sida aan warar ku halayno Qodobada hordhaca ahee lagu heshiiyay labada dhic ayaa waxaa kamid ah :-

1. In ciidanka uu wato Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Galan la qarameeyo.

2.in Khasaarihii gaaray Gallan iyo ilaaladiisii isku dhicii Bosaso in magdhaw laga bixiyo,gaadiidkii looga qabsaday hawlgalkaasna dib loogu celiyo.

3. In madaxda Ciidamada qaybtood besha gallan kasoo jeedo loo magacaabo

4. in madaxwayne Gaas iyo gudiga xalinta khilaafaadka ay toban casho gudohood isu soo raacaan Carmo.

5. Gallan iyo ciidankiisa in ay Carmo yimaadaan 10 -casho kabacdi.

6. in ugu badnaan 15 Casho kadib uu Heshiis rasmiya uu ka dhaco Carmo

BAARGAAL.NET
Isha waraka horumarka deegaanada calbari
Developed by Jago Desain