AKHRISO: Puntland iyo Galmudug oo ku hishiiyay 5-qodob kuna saabsan Dagaalka Gaalkacyo…

AKHRISO: Puntland iyo Galmudug oo ku hishiiyay 5-qodob kuna saabsan Dagaalka Gaalkacyo…
War hada soo dhacay ayaa sheegaya in heshiis sedax geesood ah ay gaareyn  Puntland, Galmudug iyo Dowlada federaalka Soomaaliya oo ah dhex dhexaadiye waxaana hishiiskaan uu ka kooban yahay 5-qodob sida warka uu nagu soo gaaray.
Madaxweynaha Puntland oo wadanka Imaraadka Carabta ku sugan ayaa wararku sheegayaan inuu 24 saac ee la soo dhaafey ku mashquulsanaa sida uu saraakiisha iyo madaxda kale ee Puntland ugu qancin lahaa heshiiskaan, ka hor inta aan si rasmi ah loogu dhawaaqin.
Heshiiskaan ayaa qoraya:

1-In xabad joojin degdeg ah labada dhinac sameeyaan
2- In la joojiyo dhismaha suuqa xoolaha lagu iibsho ee dagaalku ka dhashay.
3- In guddi ka kooban labada dhinac oo heer wasiir ah kulmaan maalmaha soo socda.
4- In la furo garoonka diyaardaha ee ku yaal dhinaca Galmudug.
5- In kulanka ugu dambeeya dowlada Puntland iyo Galmudug ku yeeshaan magalada Muqdisho Iyadoo goob joog yihiin madaxdii hore ee Madasha.
Heshiiskaan ayaa imaanaya xilli magalada Garowe ku sugan yahay R/wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid, kaasoo qayb ka ahaa heshiiskii hore ee fashilmey oo dhexmarey labadaan maamul.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in heshiiskan ay Gaas iyo Cabdi Kariim Guuleed ku gaareen dhinaca khadka taleefonka.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararaka Horumarka CAlbari
BAargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain