DEG DEG: Faahfaahin Wararkii ugu dambeeyey Gaalkacyo & Dagaalka oo sii xoogeysanaya

DEG DEG: Faahfaahin Wararkii ugu dambeeyey Gaalkacyo & Dagaalka oo sii xoogeysanaya



Dagaalka oo wali ka soconaya magaalada Gaalkacyo ayaa xili hore oo aroortii ah ka qarxay goob ay Gal-Mudug ka hirgalisay dhisme sharci darro oo ku yaala xadka Puntland

Goobta uu dagaalku ka socdo ayaa ku dhow goob ay dowladda Puntland ka hirgalisay saylad lagu dajiyo badeecadaha laga keeno koonfurta Somalia ,waxaana guud ahaan magaalada laga maqlayaa madaafiicda ay is-weydaarsanayaan labada dhinac.

Wararka ayaa inta waxa ay ku darayaan in Gal-Mudug ay ka biyo diid-day in la bur-buriyo dhismaha sababay dagaalkan ,waxaana jira tiro dhimasho ah oo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Saraakiisha Puntland ee dagaalka kujira ayaa Gal-Mudug ku eedeeyay daan-daansi colaadeed ,iyadoo maalmahan ay jireen hadalo ay warbaahinta isku marinayeen oo la xiriirta duqayntii uu maraykanku la eegtay saraakil ka tirsanaa Alshabaab oo ay Gal-Mudug sheegatay in ay ciidamadooda ahaayeen.

BAARGAAL.NET Isha wararka horumarka calbari emsil:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain