R/wasaare Cumar C/rashiid oo Cadaado gaaray si xal looga gaaro dagaalada Gaalkacyo

R/wasaare Cumar C/rashiid oo Cadaado gaaray si xal looga gaaro dagaalada Gaalkacyo
Ra’iisul wasaaraha xiligiisa dhamaaday, Cumar C/rashiid Cali sharmaake ayaa gelinkii dambe ee maanta magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah maamulka Galmudug u tegay xal loogu heli lahaa colaada iyo dagaalada ka taagan magaalada Gaalkacyo ee u dhaxeeya Galmudug iyo Puntland.

Cumar C/rashiid wuxuu sheegay in magaalada Cadaado u tegay sidii uu mas’uuliyiinta Galmudug ugula hadli lahaa joojinta dagaalka Gaalkacyo.

Marka uu la kulmo madaxda maamulka Galmudug iyo waxgaradka ayaa Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid lagu wadaa inuu berri u gudbo magaalada Garowe, si uu halkaas isna kula kulmo Madaxda Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhamaadkii sanadkii hore ee 2015 door weyn ka qaaday heshiiskii nabadeed ee uu kala dhex dhigay Maamulada Puntland iyo Galmudug oo dagaal dhex maray.

Heshiiskii 2-dii bishii December ee 2015 ayaa noqon mid waara, waxaana wixii ka dambeeyay xilligaas labada dhinac isu marinayeen hadalo dhiilo xambaarsan, kaasoo aaqirkii keenay in dagaal dib uga soo cusboonaado Gaalkacyo 7-dii bishan October,

Dagaalada ka soo cusboonaaday Gaalkacyo ayaa ku soo aaday, iyadoo doorasho lagu wado inay dalka ka dhacdo, waxaana dad badan shaki gelinayaan in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com 
Developed by Jago Desain