Sawiro : Todobaadka dhaqanka soomaaliyeed oo maanta ka furmay Nairobi

Sawiro : Todobaadka dhaqanka soomaaliyeed oo maanta ka furmay Nairobi


Xarunta dhaqanka Kenya ee magaalada  Nairobi ee caasimada dalka kenya ayaa waxaa maanta ka furmay todobaadka dhaqanka soomaaliyeed oo si weyn loo agaasimay.

Masuuliyiin iyo dadweyne fara badan ayaa isugu tagay halkaas oo maanta lagu soo bandhigay qalab isugu jira agabka hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed, suugaan iyo buugaag kala duwan.

Bandhiga todobaadka dhaqanka Soomaaliyeed ayaa socon doona ilaa maalinta axada ah ee ay taariikhda ku beegantahay 16-Ka bishaan October.

Waa sanadkii 2-aad ee la qabto Barnaamijkan oo ay soo qaban qaabisay xarunta dhaqanka iyo cilmi baarista ee aw jaamac ee xaafadda Islii.

Dadka ka qeyb galay munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka mid ah xildhibaanka degmada Kamakunji oo ay xaafadda Islii ka tirsantahay Yuusuf xassan Cabdi, danjiraha Somalia u fadhiya Kenya Ambassador Jamal Maxamed Xassan iyo gudoomiyaha gudiga doorashada Kenya Axmed Isaaq xassan.





SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain