WARKII U DAMBEEYEY: Dagaalkii oo qaboobay iyo Khasaaraha ka dhashay Dagaalkii galabta

Khasaaraha ka dhashay dagaalkii galabtay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa soo baxxaya, waxaana la xaqiijiyey in Isbahaysiga Huwantu ay uga geeriyoodeen dagaalka 4 maleeshiyaad ah ,sidaas oo kalena dhaawacu intaasi ka badan yahay.

Isbitaalada Waqooyiga magaalada ayaa la geeyey dhaawaca lab qof oo rayid ah oo uu ku dhacay Guri ay ku jireen mid kamid ah Madaafiicdii ay soo rideen Maleeshiyaadka Galmudug & Al- Shabaab.

Goobjoogayaal kusugan xaafadda Baraxley ayaa muujiyey dareen dagaal, waxayna sheegeen in ay cabsi badan soo wajahday dadkii xaafaddaas daganaa, ayna jiraan dad habeenimadan ka baxaya magaalada dhanka Koonfurta Gaalkacyo.

Sida ay xaaladdu u socoto ilaa hadda maahan mid nabdeed, waxaana burburay wada hadaladii u socday Odayaasha labada dhinac, markii ay si toos ah uga baxeen wada hadalada Beesha Sacad Odayaashooda oo ku soo koobay gorgortan dhuleed in laga galo dhulka Puntland.

Baargaal.net
isha wararka horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain