wasaarada Haweenka Dawlada Puntland oo sagootisay wakiilkii Hay'ada @UNWomen

wasaarada Haweenka Dawlada Puntland oo sagootisay wakiilkii Hay'ada @UNWomen
Masuuliyiinta Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland ayaa galinkii danbe ee maanta ugu qabtay magaalada Garowe kulan sagootin ah Wakiilkii horre ee Hay,adda UN WOMEN u qaabilsanaa Deegaanada Puntland Ka dib markii uu dhamaaday xilligii uu xilka haynayay.

Kulankan sagootinta ah oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Haweenku ku leedahay magaalada Garowe Waxaa kasoo qeyb galay Wasiir Aniso Cabdiqadir Xaaji Muumin iyo Qaar ka mid ah shaqaalaha Wasarada, iyo Saraakiil ka socotay UN Women.

Wasiir Aniso ayaa uga mahadcelisay wada shaqeyntii dhawaa ee uu wasaaradeeda lala lahaa Wakiilkii Hay,adda UN WOMEN ee Deegaanada Puntland Mr. Purparaja Mohnaty, Iyadoona sheegtay in Hay,adda UN WOMEN u qareento Haweenka Isla markaana taageero la garab taagan tahay haweenka Puntland.

Aniso Xaaji Cabdulqaadir ayaa sheegtay inay wax badan iska kaashadeen intii uu joogay Wakiilkii UN WOMEN u qaabilsanaa Puntland, Iyadoona gudoonsiisay Wasiir Aniso Shahaado Sharaf ay sheegtay inuu ku mutaystay sidii hagar la,aanta ahayd ee uu ula shaqeeyay.

Wakiilkii Hay,adda UN WOMEN Purparaja Mohnaty ayaa ugu hambalyeeyay haweenkii guulaha ka gaaray tartankii ay aqalka sarre kula galeen doorashadii musharaxiintu ku tartamaysay ee maalin ka hor ka qabsoontay magaalada Garowe.

Purparaja ayaa si gaar ah hambalyo ugu diray Xildhibaan Siciido Xassan Cismaan oo uu sheegay inay baal cusub u rogtey Haweenka Soomaaliyeed, ka dib markii ay kaga guulaysatay saddex Musharax oo rag ah oo kula tartamay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.




Developed by Jago Desain