Arday heshay deeq waxbarasho oo maanta ka dhooftay Dalka+Sawirro

Arday heshay deeq waxbarasho oo maanta ka dhooftay Dalka+Sawirro



Boqol Arday oo deeq Waxbarasho ka heshay Wadanka Suudaan ayaa Maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ardaydaasi oo ay Deeq waxbarasho ufidisay Dawladda Suudan ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Ibi,Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxabarshada iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu ka mid yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi iyo Waalidiinta Ardeydaasi, iyadoo laga soo xulay Dugsiyada Gobolada Dalka.

Ardaydaasi u dhooftay Dalka Suudaan ayaa ku soo baxday Imtixaan ay ka qaaday Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Boqolaal Arday oo wax ka barata Dugsiyada Gobollada Dalka.

Dawladda Suudaan ayaa ah tan ugu badan ee deeqda Waxbarasho siisa Ardayda Soomaaliyeed tan iyo bur-burkii Dawladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-kii.



BAARGAAL.NET isha wararka horumarka deegaanada calbari

Developed by Jago Desain