Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose Oo maanta Ka Bilaabanaysa Puntland




Saaka oo Sabti ah waxaa magaalada Garowe Caasumadda Puntland ka billaamaysa doorashada aqalka hoose Puntland, Jaamacadaha PSU iyo Bariga afrika ayey doorashadu ka dhacaysa.

612 Ergo ah ayaa dooranaysa 12 xubnood oo Puntland u matali doonta Xildhibaanada aqalka hoose ee Puntland , waxaana si aada loo adkeeyey amaanka Magaalada, gaar ahaan goobaha lagu qabanayo doorashada.

Shalay Magaalada Garoowe waxaa lagu qabtay tababar ku saabsan sida ergooyinka soo dooranaya xildhibaanada Aqalka Hoose ee deegaanada maamulka Puntland u matalaya dowladda Soomaaliya ay wax u dooran la haayeen sidoo kale shuruudaha laga rabo in ay ilaaliyaan ergooyinka wax dooranaya.

Developed by Jago Desain