Guddiga ilaalada Deegaanka Daaqa, Dalxiiska iyo Duurjoogta Degmada Baargaal oo u kuurgalaya saameyntaAbaartu ku yelatay deegaanka

Guddiga ilaalada Deegaanka Daaqa, Dalxiiska iyo Duurjoogta Degmada Baargaal oo u kuurgalaya saameyntaAbaartu ku yelatay deegaanka
Iyadoo Xilligan Deegaanada Puntland ay ka jirto Abaar ba’an oo galaafatay Nolosha dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaano badan oo ka tirsan Gobolada Puntland ayaa waxaa sii kordhaaya saamaynta xun ee ay Reebayso Abaartu waxaana intaas dheer Xaalufka Ba’an ee lagu hayo dhirta iyo duurjoogta ku dhexnool

Guddiga ilaalada Deegaanka Daaqa Dalxiiska iyo Duurjoogta Degmada Baargaal ayaa kormeer shaqo ku maray deegano badan oo ay horay uga sameeyeen wacyigalin si ay u soo ogaadaan wixii iska badalay xaaladihii ay horay ugu soo arkeen deegaanadaas iyo inay bulshooyinkaasi si fiican u fahmaan dhibaatooyinka ay leedahay jarida dhirta iyo laynta ugaarta iyo sidoo kale sidii ay u soo indha indheeyaan abaaraha ba’an ee laga soo sheegaayo Deegaanadaas ayagoo booqday deeganada waadikhar, taageer, abdeexaan, cabayaro, xeela qorolaha, Coomaayo , xinka, cuur, magagax, gondoli, qoryooley, warwar, godcad salaaximo cadwo jacayl iyo deegaano kale oo badan. 

Cawil Maxamed Maxamuud oo kamid ah guddiga ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta oo ka warbixiyay safarkooda ayaa sheegay inay soo arkeen abaaro iyo biyo la’aan ka jirta guud ahaan Gobolka Gardafuu , gaar ahaan degmada Baargaal oo ay ayagu indhahooda ku soo arkeen

Cawil Maxamed Maxamuud ayaa intaasi ku sii daray inay soo arkeen reer guuraaga oo gaadiid ku soo daabulaya xoolo oo ay meesha ay u soo wadaan aysan dhaamin taas oo gobolka oo horay abaar u ahaa uu soo dulkoray culays kale iyo xoolo abaaro ba’an ay haleeleen oo aan waxba isdhaamin asagoo ku baaqay in gurmad degdeg ah loo sameeyo.

Gudoomiyaha Guddiga ilaalada Deegaanka Daaqa Dalxiiska iyo Duurjoogta Degmada Baargaal Axmed salad c/raxmaan oo isna ka hadlay safarkooda ayaa sheegay inay soo arkeen abaar ba’an oo ka jirta meelhii ay socdaalka ku tageen ayagoo indhahooda ku arkay xoolo badan oo dhintay oo ay reer guuraaga baabuurta oo soconaysa ka daadinaayeen wuxuuna ku daray in dadkii horay dhirta u jari jiray qayb kamid ah ay iskhadhaafeen oo la fahmeen guddiga inta ay leegtahay dhibaatada jarida dhirta iyo laynta ugaarta

















SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain