Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Gardafuu oo Maanta Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Baargaal (Sawiro)

Gudoomiyaha Cusub Gobolka Gardafuu iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo Maanta Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Baargaal (Sawiro)
Gudoomiyaha Cusub ee dhawaan loo magacaabay Gobolka Gardafuu Mudane Maxamuud Axmed caynab Gubsul bilaabay safaro uu ku kormeeraayay ugna kuurgalayo dhamaan deegaanada iyo degmooyin Gobolka Gardafuu ayaa Maanta si Farxad iyo rayn rayne ku jirto loogu soo dhaweeyay Magaalada Baargaal ee gobolka Gardafuu.

Gudoomiayaha iyo Wafdigiisa oo soo gaaray magaalada Baargaal subaxnimadii  ayaa waxaa halkaasi siweyn ugu soo dhaweeyay Mas'uuliyiinta ugu saraysa Maamulka Degmada oo uu Hormuud u yahay Gudoomiye ku xigeenka  Degmada Baargaal Mudane Yuusuf Maxamed xirsi  ,Odoyaasha Dhaqanka, waxgaradka, ururada bulshada , ardayda iskuulada  iyo dadwayne aad u farabadan oo uga hortagay Gudoomiyaha meel ka baxsan magaalada ayagoo ruxaaya caleemo qoyan 

Gudoomiye ku xigeenka  Degmada Baargaal Yuusuf maxamed xirsi oo horkacayay masuuliyiintii soo dhawaysay gudoomiyaha gobolka Gardafuu ayaa sheegay inay baargaal tahay meel ku caan baxday soo dhawaynta madaxda iyo masuuliyiinteeda ayna si kal iyo lab ah ugu soo dhawaynaayaan gudoomiyaha cusub guud ahaan Gobolka gardafuu gaar ahaan Magaalada baargaal oo uu maantay soo gaaray.

Gudoomiayaha ayaa ka soo degay gaarigii uu saarnaa asagoo Lug ku soo dhex maray gudaha magaalada Baargaal oo uu khudbad ugu jeediyay dadwaynihii halkaasi ku soo dhaweeyay asagoo sheegay inay ka jeclaan lahaayeen soo dhawaynta in waxqabad lagu soo dhaweeyo  wuxuuna sheegay inay gobolka u yimaadeen hawlo shaqo iyo sidii loo dardar galin lahaa shaqada Gobolka 


1 bishii october  2016 , ayaa wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxwaynaha dawlada Puntland prof. Cabdi wali Maxamed Cali gaas loogu magacaabay mudane Maxamuud Axmed caynab oo ku magac Dheer Gubsul gudoomiyaha Gobolka gardafuu waana socdaalkii ugu horeeyay oo uu ku yimaado Degmooyinka iyo tuulooyinka Gobolka Gardafuu intii la magacaabay.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararaka Horumarka Deegaanaad Calbari
Baargaal@gmail.com









Developed by Jago Desain