Kalfadhigii Sedexaad Golaha Deegaanka Degmada Caluula Ay Yeeshaan Oo Maanta Ka Furmay Hoolka Golaha Deegaanka +SAWIRRO

Kalfadhiga golaha deegaanka

Maanta ayaa waxa si rasmi ah uga furmay hoolka Golaha Deegaanka Degmada caluula ee xarunta Gobolka Gardafuu kalfadhigii sedexaad ee golaha degaanka Degmada Caluula .

Kalfadhigan oo ahaa mid caadi ah ayaa waxaa maanta soo xaadiray 21 xildhibaan halka ay lix xildhibaan ka maqnaayeen madashaasi.

Hadaba kalafadhigan ay maanta yeeesheen golaha deegaanka ee degmada Caluula ayaa waxa ku wehelinayey Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Gardafuu mudane Maxamuud axmed caynab Gubsul oo furay kalfadhiga , xildhibaan mustafe bile oo katirsan barlamaanka Puntland , isuduwaha wasaarada Arimaha Gudaha iyo horumarinta miyiga ee Gobolka Gardafuu C/qaadir Caato , isuduwaha wasaarada dekedaha iyo la dagaalanka burcadbadeeda axmed waabari , maamulaha cashuuraadka bariga Gobolka Gardafuu Cumar jaamac , iyo taliyaha qaybta general maxamed xirsi Cumar iyo masuuliyeen kale

Isuduwaha Wasaarada Arimaha Gudaha ee Gobolka Gardauu Mudane C/qaadir caato oo Kamid ahaa Masuuliyiintii kasoo qayb gashay Furitaanka kalfadhiga ayaa ku amaaney shaqooyinkii ay qabteen maamulka degmada Caluula, asagoo ugu baaqay xildhibaanada inay muujiyaan midnimo oo waqtigan uusan ku haboonayn in mooshino la keeno ama waraaqo dacwado ah loo gudbiyo wasaarada arimaha Gudaha

Gudoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Caluula ahna Duqa magaalada Shire cabdi ismaaciil ayaa isna halkaas hadal kooban oo uu kasoo jeediyey wuxuu kaga waramay waxqabadkii ay ku tilaabsadeen intii maamulkodu shaqaynaysy ,wuxuuna gudoomiyuhu sheegey inay waxbadan qabteen ayna howlo badani u dhiman yihiin

Kalafahdigan Maanta furmay ayaa inta uu soco waxaa laga doodi doona ajindayaal badan oo ay kamid yihiin.

1.waxaa Warbixin laga dhagaysan doonaa maamulka degmada waxyaabihii u qabsoomay mudadii 6-dii bilood ee la soo dhaafay.

2.Waxyabaha uu qabsoomay gudi hoosaadka golaha iyo gudoomiyashooda

3.Caqabadaha ka horyimid hawlihii loo igmadey gudi hoosaadyada golaha deegaanka

4. Ansixinta miisaaniyada golahu uu kushaqayn lahaa sanadka soo socda ee 2017

5. Ansixinta Xeerar muhiim u ah habsani usocodka hawlaha shaqo ee Golaha Degaanka ee Degmada Caluula

dhinaca kale waxaa jira xildhibaano badan oo wada mooshin ka dhan ah maamulka degmada iyo gudoomiyaha degmada caluula oo u ololaynaya arinkaas

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Calbari
baargaal@gmail.com


Developed by Jago Desain