UNHCR oo Wadanka Norway Ugu Baaqday In Aan Qaxootiga Soomaalida La Masaafurinin

UNHCR oo Wadanka Norway Ugu Baaqday In Aan Qaxootiga Soomaalida La Masaafurinin

Hay’adda Qaramada Midoobey (QM) u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee loo soogaabiyo magaceeda UNHCR ayaa Dowladda Norway ugu baaqdey in ay beddesho go’aankeeda ku aadan in qaxootiga Soomaalida qaar kamid ah dib loogu celiyo dalka Soomaaliya.

Todobaadyo ka hor ayey ahayd markii dawlada Norway ay sheegtay in dad megangalyo weydiistey ay dib ugu celineyso dalka Soomaaliya, sida uu qoray Wargeyska Dagbladet ee ka soo baxa dalka Norway. 

Norway ayaa qaar kamid ah dadkaas durba gaarsiisey Soomaaliya.

Warqadda UNHCR u qortey Norway ayaa taariikhdeedu ahayd 7 November, waxaase la shaaciyey Arbacadii lasoo dhaafay.

 Qoraalka ayaa lagu yiri Muqdisho waa ka fogtahay mid deggan oo la isku haleyn karo, taas oo Norway laga dalabadey in aysan khatar gelin nafta dadka ay celineyso. 

UNHCR ayaa dhamaan dalalka Nordic la isku yiraahdo ee dhaca Waqooyiga Yurub ugu baaqdey, in aan dadka Soomaalida ah laga qaadin qaxootinimadooda, sida uu qorey Dagbladet.

Dalka Norwifay ayaa Soomaali aad u badan kala noqdey sharciyadii ay horey u siiyeen, waxaana ay ku wargeliyeen in ay boorsooyinkooda xir-xirtaan dalkana laga tarxiilayo.

Waxaa la aaminsan yahay in koox siyaasiyiin ah oo Soomaali ah ay ku lugleeyihiin celinta qaxootiga Soomaalida kuwaas oo xoogaa lacago ah ku qaatey, waxaana hawlaha fududeynteeda u qaabilsan Safaaradda Kenya ee Norway oo dhawaan loogu daray Safaaradda Norway ee Soomaaliya.

UNHCR ayaa sheegtey in aysan ka soo horjeedin qaxootiga iskood u laabanaya, laakiin ay si weyn uga soohorjeedo in Norway ay dadka kala noqoto xaaladooda qaxootinomo oos i khasab ah dib loogu celiyo Soomaaliya.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain